Maxaa ka soo kordhay Natiijada doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed?

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa sheegay in natiijooyinka doorashadii qof iyo codka ahayd ee Axaddii shalay ka dhacday deegaanada maamulka Koonfur Galbeed la filayo in lagu dhawaaqo 24-ka saac ee soo socda.

Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga ayaa xaqiijiyey in marka la soo saaro natiijada hordhaca ah loo gudbin doono Maxkamadda Sare si ay u sameyso dib u eegis sharci iyo ansixinta ugu dambeysa.

Wuxuu sheegay in guddigu marka la anxsixiyo natiijada ay gudda gali doonaan in la soo dhiso hay’adda Koonfur Galbeed, iyada oo Baarlamaanka doorashada qof iyo codka ku yimid uu iska soo dhex dooran doono guddoonkiisa, kadibna la guda gali doono in la shaaciyo xiliga la qabanayo doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

“24-ta saac ee soo socda waxaan ku dhawaaqi doonaa natiijada hordhaca ah oo aan u gudbin doono Maxkamadda sare inay nagu raacdo, kadibna waxaa la gali doonaa qorshaha xiga oo ah in Baarlamaanku guddoonkiisa doorto Koonfur Galbeed, kadibna la doorto madaxweynaha oo aan soo dhajin doono wakhtiga,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay dhacdo 23-ka bishaan May 2026, sida ku cad jaantus uu horay u soo gudbiyey guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa ammaan u jeediyey hay’adaha amniga dowladda oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen sugidda amniga iyo in doorashadu ugu dhacdo si nabad ah deegaanada ay ka qabsoontay. Weli wax dhacdo ah lagama diwaan galin doorashadii shalay ee Koonfur Galbeed oo guddiga doorashooyinka ku sheegeen inay ahayd tan ugu dhibka badan in doorasho la qabto dalka.

“Maamulkani waa maamulka ugu dhibka badan oo Alshabaab aafeeyeen. 13-ka degmo ma jiro degmo, degmo kale baabuur loo raaci karo. Si aan shaqaale u gayno iyo qalab doorasho waxaa inoogu kacay inaa diyaarado u kiraysano. Mar haddaan meelihii saas u adkaa aan doorasho ka qabanay oo aan dadku isu gudbi karin oo dadku codeeyeen, maamullada kale oo dhan waxay noqoneysaa wax aad u fudud inay dadku u dareeraan doorasho,” ayuu yiri markale guddoomiye Cabdikariim.

Doorashada qof iyo codka ah ee Koonfur Galbeed ayaa ahayd mid si weyn isha loogu hayey, iyada oo ay ka qeybgaleen boqolaal kun oo codbixiyeyaal ah.

Guddiga ayaa sheegay in tallaabada xigta ee doorashooyinka lagu ballaarin doono ay noqon doonto maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed