Waxaa saaka deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya looga dareeray doorashooyinka qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo xubnaha Golaha Degaanka iyo wakiillada ee maamulkaasi.
Doorashadan ka socota magaalada Baydhabo iyo 12 degmo oo kale ayaa loo diwaangaliyey 376,212 codbixiye, kuwaas oo ka kooban 164,716 rag ah oo u dhiganta (44%) iyo 211,496 oo dumar ah, una dhiganta (56%). Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayaa tirada guud ka ah 4,781 ruux oo u dhiganta (1.27%).
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la adkeeyey amniga goobaha ay ka socoto codbixinta dadweynaha ee gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha hoose.
Sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka Soomaaliya doorashada maanta ka dhacaysa Koonfur galbeed waxaa ku tartamaay Golaha Wakiilada 15 Urur Siyaasadeed oo wata 394 Musharax, kuwaa oo 322 Rag ah iyo 72 Dumar ah.
Sidoo kale, xubnaha Golaha deegaanka waxaa u taagan 18 Urur Siyaasadeed oo ka tartamaya 13-ka Degmo ee loo asteeyey doorashada, kuwaa oo ay u taagan yihiin 1,297 Musharax oo 1,022 Rag ah iyo 275 Dumar ah.
Isha ku haay HBN ONLINE TV

