Taliyaha Guutada 18-aad ee Ciidanka Kumaandooska GorGor Xasan Aadan Maxamed Ciraaq oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta ayaa ka hadlay xogta sheegaysa inuu gacan galay ciidamada Jubbaland iyo in la waayey xiriirkiisa, ka dib dagaalkii qaraaraa ee Jubbada Hoose.
Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo sheegay inuu nabad qabo ayaa been-abuur ku tilmaamay wararka sheegaya in uu isku dhiibay ciidamada Jubbaland ee ku sugan degaanka Raaskaambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Sida oo kale Taliyaha ayaa carrabaabay inay nabad qabaan dhamaan Ciidamada Dowlada ee ku sugnaa deegaanka Raaskambooni iyo deegaanada ku dhow ee dagaalku ka dhacay.
Waxaa uu sheegay Ciraaqi in ujeedada halkaas ciidanka dowlada Soomaaliya ay uga baxeen ay tahay sida hadalka u dhigay ilaalinta diigga dadka Soomaaliyeed.
“Runtii waxaa weeye ciidanka Qaranka Soomaliyeed meeshaasi waxaa uu uga baxay waxaa weeye dhiig Ummadda Soomaaliyeed uu isku daadato, Ummadda Soomaaliyeed islayso, isagoo taas ilaalinaya ciidanku meesha ka baxay” ayuuyiri taliye Ciraaqi.
Hadalka Taliyaha oo ah masuulka ugu sareeya ee hogaaminayey ciidamada Dowlada ee dhawaan lageeyay deegaanka Raaskambooni ayaa imaanaya, ka dib warar aan la hubin oo ku faafay baraha bulshada oo sheegaya Jubbaland uu u gacan galay.
HBN ONLINE TV