Mareykanka, UK iyo Norway oo ku booriyay South Sudan inay xaqiijiso doorasho dhab ah

Mareykanka, Britain iyo Norway ayaa  ugu baaqay madaxda South Sudan inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo doorasho dhab ah oo nabad ah oo dhacda bisha December.

South Sudan ayaa si rasmi ah nabad ugu jirtay tan iyo markii heshiis 2018 uu soo afjaray colaad shan sano jirtey oo mas’uul ka ahayd boqolaal kun oo dhimasho ah, laakiin rabshadaha u dhexeeya bulshooyinka iska soo horjeeda ayaa sii socda.

Bayaanka wadajirka ah ayaa daba socda digniino kasoo baxay Mareykanka oo ahaa in Koonfurta Sudan aysan kusii socon doonin wadadii doorasho xor iyo xalaal ah oo dhici doonta bisha December sida la qorsheeyay hadii aan wax laga qaban.

Suudaanta Koofureed  ayaa qorsheyneysa inay doorato hogaamiyayaasha bedeli doona dowladda KMG ah ee hadda jirta, oo ay ku jiraan madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka koowaad Riek Machar, oo ciidamadoodu ay dagaallameen intii uu socday dagaalkii sokeeye ee 2013-2018.

Sannadka 2022-ka, Kiir waxa uu sheegay in xukuumadda ku meel gaarka ah ay xukunka sii hayn doonto laba sano oo kale, taas oo dib u dhigaysa doorashooyinkii la qorsheeyay.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters bishan in doorashadu aysan noqon doonin mid lagu kalsoonaan karo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Suurtagalnimada in doorashada la qabto December sida qorshuhu yahay, sarkaalka Mareykanka wuxuu yiri: “Waxaan siinayaa 50/50.”

Sarkaalkan oo aan magaciisa la shaacin, ayaa ka digay in Mareykanka uu eegi doono fursadaha ay ka mid yihiin cunaqabateynta iyo horumarinta barnaamijkiisa diblomaasiyadeed ee dalka, haddii doorashada ay dib u dhacdo ama rabshado dhacaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed