Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u digay Itoobiya Wacadna ku maray inuu jawaab adag ka bixin doonaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey khudbad uu ka jeediyey salaadii Jimcaha  ayaa waxa uu walaac xooggan ka muujiyey heshiiska muranka badan dhaliyey ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Masjid ku yaala magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Itoobiya, wuxuuna caddeeyay in eedda colaaddii soo jireenka ahayd ee labada ummadood ay si toos ah dusha uga tuurayso Itoobiya.

Hadalka culus ee Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay wada saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiska ayaa dhaliyay muran dhuleed muddo dheer soo jiitamayay, waxaana walaac laga muujiyay khalkhal gelinta amniga gobolka.

Iyadoo Soomaaliya ay cadeyneysay inay ka go’an tahay inay difaacdo qaranimadeeda iyo midnimada dhuleed, ayuu Madaxweyne Maxamuud carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay qaadi doonto mas’uuliyadda dagaal kasta oo ka dhasha. Madaxweynaha ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa mowqifkeeda, diyaarna u tahay inay qaado tillaabooyin badan oo ay ku ilaalineyso danaheeda”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli uu shir madaxeedka aan caadiga ahayn uu furmayo  urur goboleedka IGAD oo uu isugu yeeray shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan madaxda urur goboleedka IGAD. Shir madaxeedkan oo la qorsheeyay inuu dhaco 18-ka bishan Janaayo ayaa waxaa martigelinaya Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, waxaana ujeeddadu tahay sidii looga hadli lahaa xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

HBN NREWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed