Madaxweynaha Xasan oo kala hadlay Guterres howlgalka AUSSOM iyo dagaalka Argagixisadda 

Kulan gaar ah oo magaalada Addis Ababa ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa waxaa la sheegay in looga hadlay Amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

Wadahadalka labada masuul oo dhacay intii lagu guda jiray shirka Madaxeedka 38-aad ee Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa ayaa la isku soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah iyo howlgalka AUSSOM.

“Madaxweynaha iyo antonio guterres ayaa ka wada hadlay horumarka ka socda Soomaaliya, dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah, howlgalka AUSSOM iyo doorka muhiimka ah Qaramada Midoobay ee dhinacyada amniga, xasillinta iyo horumarka” ayey tiri wakaallada wararka Dowladda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Ururka Ganacsiga Adduunka Ngozi Okonjo-Iweala oo diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka iyo qaabkii loo mari lahaa ka dib ka mid noqoshadii ururka bulshada Bariga Afrika.

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo tan iyo Jicmicihii ku sugan Addis-Ababa ayaa wadahadalo kala duwan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, isagoo ka qeyb galay doorashada guddoomiyaha ururka midowga Afrika oo shalay dhacday, Waxaana madaxeynaha socdaalka ku wehliya Wasiiradda Arimaha Dibedda iyo Gaashaandhigga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed