Madaxda Soomaaliya iyo Kenya kulan ku leh magaalada Nairobi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi halkaasi oo uu Maanta Shir kula yeelanayo Madaxweynaha Kenya William Ruto, waxaana kulanka labada dhinac lagu gorfeynayaa xaaladda guud iyo cilaaqaadka ka dhexeeya.

Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Villa Somalia ayey ku shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Xalay u hoyday magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaasi oo uu Wadahadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wadahadli doonaan Qodoba ay ka mid yihiin Xoojinta Iskaashiga labada Waddan ee Arrimaha Gobolka iyo sida oo kale Marxaladda kala guurka ee Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS sida ay sheegtay Warbaahinta Soomaaliya.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Waddanka Kenya ayaa qeyb ka ah Socdaal uu ku marayo dalalka Gobolka ee Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaasi oo uu kala hadlayo Marxaladda Kala guurka Hawlgalka ATMIS.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safaro ku marayaa dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ka hor intaan loo gudbin howlgalka cusub ee AUSSOM oo bilaaba doono sanadka soo aadan, waxaana dalalkii horay ugu jiray ku soo biiraya Masar, taasi oo laga cabsi qabo in bedelkeeda laga dhigo Itoobiya oo Muqdisho sheegtay in madaxbanaanida dalka ku xad gudubtay, ka dib heshiiskii janaayo ee sanadkan ka dhacay Addis Ababa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed