Kulan looga hadlayay amniga iyo khatarta Al shabaab oo dhex maray ciidamada Kenya ee ATMIS iyo kuwa Jubbaland

Si loo xoojiyo dadaallada amniga iyo wadashaqeynta ayaa waxaa kulan muhiim ah oo dhanka amniga ah dhex maray ciidamada ATMIS-ka ee Kenya iyo kuwa Jubbaland, kaasi oo ka dhacay Jubaland.  Kulanka oo uu shir guddoominayay Taliye Cabdalle Biroole ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo sameyn lahaa roondo wadajir ah iyo sidii loo xoojin lahaa howlaha nabad ilaalinta, gaar ahaan marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Inta uu socday kalfadhiga, Major Ngolesia oo hoggaaminayay ciidamada kenya ayaa waxuu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee ilaalada wadajirka ah ee ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka. Waxa uu ku booriyay dadka deegaanka in ay ka digtoonaadaan oo ay si deg deg ah u soo sheegaan wax kasta oo ay ka shakiyaan, isaga oo carabka ku dhuftay in ay muhiim tahay in bulshadu ay ka qayb qaadato ilaalinta xasiloonida.

Sareeye Guuto Maxamed Xasan Gaboobe Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Jubbaland ayaa bogaadiyay qorshaha iskaashiga ciidamada iyo shacabka ee ay hormuudka ka tahay ATMIS, wuxuuna xusay in saameynta wanaagsan ay ku leeyihiin hab nololeedka iyo horumarinta xiriirka ciidamada bulshada deegaanka.

Labada Taliye ayaa sheegay in si hagar la’aan ah ay uga go’an tahay la dagaalanka khatarta Al-Shabaab ee ka howlgala deegaanada maamulka Jubbaland. Kulanka ayaa ku soo idlaaday go’aan cusub oo ah in la sii wado dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo gobolka iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dadka deegaanka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed