Labo askari oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ayaa ku dhintay mid saddexaadna waa uu ku dhaawacmay weerar hoobiye ah oo ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ay ku leeyihiin xayndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.
War qoraal ah oo uu soo saaray Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS ahna Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamed El-Amine Souef ayaa lagu cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta loo yaqaano Xalane.
Waxaa la rumeysan yahay in gantaal 107mm ah loo adeegsaday weerarka. Ugu yaraan afar xabo oo hoobiyaal ah ayaa la sheegay in lagu tuuray intii uu socday weerarka xerada xalane ee Muqdisho.
“Weerarka bahalnimada ah kama celin doono annaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya inaan raadinno nabad waarta ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka la soo dhigay X. “Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay uga go’an tahay la dagaalanka Alshabaab iyo inaan dhisno Soomaaliya nabad iyo barwaaqo.”
War saxaafadeedka laguma sheegin dalalka ay u dhasheen askarta la dilay, balse sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa u sheegay VOA-da in askarta la dilay iyo halka dhaawacmay ay u dhasheen Uganda.
“ATMIS waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska, asxaabta, iyo qaraabada kuwii naftooda ku waayey, waxayna u rajeyneysaa soo kabasho degdeg ah kuwa ku dhaawacmay weerarka,” ayuu yiri Souef.
Kooxda hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa markii dambe booqday goobihii ay qaraxyada ka dhaceen. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.
War qoraal ah oo ay kooxdu soo dhigtay mid ka mid ah mareegaha ay ku leedahay Internet-ka ayey ku sheegtay in madaafiicda ay ku dileen sida hadalka loo dhigay “Saraakiil caddaan iyo madow ah.”
Inkasta oo sanadkii 2011-kii laga saaray magaalada Muqdisho Alshabaab, haddana kooxdan ayaa xilliyada qaar waxaa u suurtagasha in ay weeraro hoobiyeyaal ah ku garaacaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo saldhig u ah Midowga Afrika iyo sida oo kale qaar ka mid ah safaaradaha shisheeye.
Madaafiicda Al-Shabaab ayaa sida oo kale waxa ay la beegsadeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo ay ku naf waayaan dad rayid ah, iyada oo dowladdu qaar ku tilmaantay kuwa dheemis ah.
HBN ONLINE TV