Howlgal ka dhacay Galgaduud oo lagu soo qabtay horjooge ka tirsan Alshabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Xoogga oo kaa shanayey kuwa deegaanka ay howlgal gaar ah ku soo qabteen horjooge kooxda Alshabaab u qaabilsanaa askareynta Caruurta, kaasi oo ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Ninka la soo qabtay oo warbaahinta loo soo bandhigay ayaa magaciisa lagu Cali Geelle, waxaana lagu qabtay howlagal xalay ay ciidamada Dowladda ay ka sameeyeen degmada Galhareeri, sida oo kalane aagga howlgalka laga helay gaari nuuca raaxada ah iyo Caagad rasaas ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa gacanta ku soo dhigay horjooge lagu magacaabo Cali Geelle, kadib howlgal qorsheysan ay xalay ka fuliyeen degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud. Horjoogahan gacanta lagu dhigay ayaa kooxda u qaabilsanaa baadda hantida shacabka iyo askareynta carruurta, waxaana inta uu howlgalka socday sidoo kale Ciidanka gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Suzuki , Qori AK-47 iyo caag rasaas ah oo halka uu horjoogahan ku dhuumaaleysanayay laga helay” ayaa lagu yiri sida warkan lagu baahiyey warbaahinta Dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado howlgalo ka dhan ah kooxda deegaano ka tirsan gobolada Galmudug iyo Hirshabeelle, iyada oo shalay ciidamada deegaanka ay guulo ka sheegteen dagaal ay la kula galeen deegaanka Baraak Cali gaduud ee Koonfur Mudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed