Heshiis laga gaaro dagaalka Gaza oo “qarka” loo saaran yahay- wararkii u dambeeyey

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, Majid bin Maxamed Al-Ansaari, ayaa shaaciyey in wadahadallada ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta Gaza ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay, isagoo muujiyay rajo wanaagsan oo ku aaddan in heshiis la gaaro.

“Wadahadallada ka socda Doha ee ku saabsan Gaza waa kuwo miro-dhal ah, togan, waxaana diiradda lagu saarayaa gabagabada ugu dambeysa,” ayuu yiri Al-Ansari oo hadalkiisa ku sii daray “Waxaan rajeynaynaa inaan dhawaan helno war wanaagsan oo ku saabsan heshiiska Gaza.”

Al-Ansaari wuxuu xaqiijiyay in caqabadihii waaweynaa ee u dhexeeyay dhinacyada wadahadallada la xaliyay, isla markaana shirarku ay si joogto ah uga socdaan Doha iyadoo labada dhinac ay ka shaqeynayaan qodobbada harsan. “Markii si rasmi ah loo shaaciyo heshiiska, xabbad-joojinta waa la dhaqangelin doonaa isla markiiba,” ayuu yiri.
Dawlada Qadar ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay dhamaystiraan heshiiska oo ay soo afjaraan musiibada ka taagan Gaza. “Waxaan filaynaa in heshiiska si dhaw loo shaacin doono,” ayuu raaciyay, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qadar, Majid bin Maxamed Al-Ansaari.

Afhayeenka ayaa sheegay in Qadar ay horey ugu wareejisay dhinacyada kala duwan noocyada qabyo-qoraalka ah ee heshiiska xabbad-joojinta, waxaana hadda diiradda la saarayo faahfaahinta kama dambaysta ah ee dhaqangelinta. “Qodobada harsan waxay inta badan quseeyaan sida heshiiska loo fulin doono,” ayuu sheegay. “Marka la dhammeeyo, dhaqangelinta xabbad-joojintu waxay dhici doontaa waqti dhow.”

Al-Ansaari wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay dadaallada ay sameeyeen maamullada Madaxweynaha xilka banneynaya Biden iyo kan la doortay Trump ee ku aaddanaa fududeynta heshiiska.
Isagoo adkeynaya mowqifka Qadar, wuxuu yiri: “Waxaan si adag u taageereynaa in la soo afjaro haysashada Gaza iyo dhammaan dhulka Falastiiniyiinta, go’aankana uu noqdo mid ay Falastiiniyiintu leeyihiin.”

Qadar, Masar, iyo Mareykanka ayaa wali ka go’an in ay taageeraan dadaal kasta oo horseedi kara guusha heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed