Golaha Wasiirrada XFS oo xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda Socdaalka, magacaabis cusubna sameeyey

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XJFS) ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xil-ka-qaadista Agaasimihii Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyagoo sidoo kale magacaabay agaasime cusub oo hoggaanka hay’addaasi la wareegi doona.

Fadhiga Golaha Wasiirrada ayaa lagu go’aamiyay in xilka Agaasimaha Guud loo magacaabo Xuseen Qaasim Yuusuf, kadib soo jeedin rasmi ah oo ka timid Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo goluhu si buuxda u taageeray.

Agaasimaha cusub, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa horey u soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Madaxtooyada Galmudug (2015–2017), Xildhibaan Golaha Shacabka (2017–2026), iyo Guddoomiyaha Guddiga La Socodka Dib-u-eegista iyo Dhaqangelinta Dastuurka.

Magacaabistan ayaa imaneysa iyadoo Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow uu xilkan hayay tan iyo 12-kii December 2024, xilligaas oo uu si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Isbeddelkan cusub ayaa lagu tilmaamay qayb ka mid ah dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo adeegyada socdaalka, iyadoo la filayo in hoggaanka cusub uu keeno horumar iyo isbeddel ku yimaada howlaha muhiimka ah ee hay’adda, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta xil-ka-qaadista agaasimihii hore.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed