Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa maanta ayaa guddi u saaray baaris ku sameeya sida hadalka loo dhigay “nooca xiriir” ee ka dhexeeya Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo kooxaha Alshabaab.
Inta kulanka uu socdaya ayaa lagu sheegay in falkii uu ku weeraray sida warka loo dhigay deegaanka Raaskambooni ay ka dhalan doonto isla xisaabtan iyo ciqaab, balse nuuca ay tahay aanan la ogeyn.
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdirxamaan Shiikh Yuusuf Al-caddaala oo ka warbixiyey qodobada ay goluhu soo saareen ayaa sheegay in si aad ah u cambaareynayaan golohu dagaalkii shalay ka dhacday deegaanka Raas-Kambooni.
“Golaha wasiiradda waxaa soo gaartay warbixin ku saabsan in kooxaha Khawaajita ah kala shaqeeyeen oo gacan ka siiyeen eedeysane Axmed Madoobe weerarkaas, si gaar ah inay u suurtagaliyeen in gaadiid badan oo ka yimid magaalada Kismaayo uu goobtaas gaaro” ayuu yiri wasiir Alcadaala.
Sida oo kale waxaa wasiir Alcadaala uu su’aal galiyey sida ciidamada Jubbaland ku soo dhexmareen wadada dheer labada ciidan u dhexeysay oo kooxda Alshabaab joogeen iyo waxa ku kalifay sida uu hadalka u dhigay in ciidamada qaranka la wareero madaxweyne Axmed Madoobe.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in gacanta ay dhigeen galinkii dambe ee shalay deegaanka Raas-Kambooni, iyaga oo bandhigay muuqaalo iyo sawiro ay ku sheegeen in ay isku soo dhiibeen ciidamada halkaasi dowladda geysay.
HBN ONLINE TV