Dowladda Faransiiska ayaa maanta si rasmi ah Soomaaliya uga cafisay deyn ay waqti dheer ku laheyd, ka dib munaasabad kooban oo ka dhacday Safaaradda Faransiiska ee Nairobi, waxaana Dowladda Federaalka ku metalay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.
Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Ibraahim Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday Xukuumadaha Muqdisho & Paris ayaa kulankaan goobjoog ka ahaa, waxaana labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiiska lagu soo gabagabeeyay cafinta dayntaas.
Lacag dhan $145.6 Milyan oo Doollar oo Dowladda Faransiiska ku laheyd dhiggeeda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn maanta wixii ka dambeeya laga saaray liiska Daynta ku taagan Soomaaliya oo inteeda badan laga cafiyay, iyada oo wixii hadda ka dambeeya labada dhanka dhaqaalaha hab cusub u guda gali doona.
Waddamada ku bahoobay Ururka Paris Club ayaa horay kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiin ka socota Soomaaliya, kuwaas oo ay kawada hadleen ka gudubka shuruudaha la hordhigay Dowladda Federaalka si looga dhaafo ama looga cafiyo deynta wakhtiga dheer ku taagan.
Danjiraha Faransiiska ee Kenya & Soomaaliya Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa gunaanadkii kala saxiixday heshiiskaan muhiimka u ah in la laabo buugga daynta.
Dhammaadkii sanadkii hore 2023-kii Soomaaliya waxaa la shaaciyay in laga cafiyay deyntii wakhtiga dheer ku taagneyd ka dib markii ay soo buuxisay shuruudihii la hordhigay, tan iyo xiligaas waxaa socday kulamo lagu dhammeystirayo geediga loo galay dayn cafintaas.
HBN ONLINE TV