Dagaalo culus oo ka qarxay gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya

Dagaallo culus ayaa maanta ka qaxeen galbeedka gobolka Tigray ee waqooyiga dalka, kuwaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo in dib loogu laabto dagaalkii gobolka.

TPLF ayaa sheegtay in ciidamada federaalku ay aroornimadii maanta weerar ku qaadeen deegaanka Shiraro, halka ku xigeenka hoggaanka jabhadda, Amanuel Assefa, uu sheegay in dagaalladu ay ka bilowdeen magaalada Sherero abaare 6:00 subaxnimo, islamarkaana ay weli socdeen xilligii uu la hadlayay warbaahinta.

Amanuel Assefa ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay adeegsadeen madaafiic culus, isagoo xusay in dagaalladu ay ka socdaan galbeedka Tigray, oo ay maamulaan kooxo hubeysan oo ka soo jeeda gobolka Amxaarada.

War-saxaafadeed ay soo saartay TPLF ayay ku eedeysay dowladda federaalka inay muddo dheer ku kacaysay xadgudubyo ka dhan ah shacabka Tigray, isla markaana ay hadda u gudubtay weerar ballaaran oo lugta ah, taas oo ay ku tilmaantay xaalad sii xoojineysa colaadda.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymaha ay soo jeedisay TPLF, mana jirto wax war rasmi ah oo laga soo saaray dagaallada ama khasaaraha ka dhashay.

Dagaalladan ayaa imanaya iyadoo bilihii la soo dhaafay ay labada dhinac isugu eedeynayeen inay isku diyaarinayaan dagaal cusub, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in uu burburo heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii Tigray.

HBN Online TV + Wakaaladaha Wararka

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed