Faah faahinno dheeraad ah oo laga helay dadkii saarnaa diraadii ku degtay deegaan Al shabaab ay maamulaan oo ku yaal Glagaduud

Afar qof oo u dhashay dalka Ukrain ayaa la sheegay in ay la socdeen diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay, taasoo ay Al-shabaab ku qabteen bartamaha Soomaaliya toddobaadkan markii ay ku timid cilad , sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine Jimcihii lasoo dhaafay.

“Muwaadiniintayadu waxay xubno ka ahaayeen helikobtarrada howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya…” ayuu yiri afhayeen u hadlay Ukraine oo lagu magacaabo Oleh Nikolenko

Waxaa uu sheegay in diyaaradan ay leedahay shirkad gaar loo leeyahay oo ku taal dalka Ukrain oo qandaraas kula jirta Qaramada Midoobay, dowladdana ay la xiriireyso si ay isugu xirto.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa mar sii horeysay u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in sidoo kale ay la socdeen muwaadiniin u dhashay dalalka Masar, Uganda iyo Soomaaliya. Ilaha ayaa codsaday inaan la magacaabin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii sheegtay in ay ku howlan tahay soo badbaadinta la haystayaasha, balse saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay ku adkaan doonto deegaan ay muddo toban sano ka badan gacanta ugu jirtay kooxda Al shabaab.

Dhammaan duulimaadyadii Qaramada Midoobay ee aaggaas ayaa la hakiyay ilaa amar dambe, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed