Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay xubin muhiim oo ka tirsan Alshabaab

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya & kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay Waqooyiga Jubbada Hoose ku sheegay in ay ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab sida ay sheegtay DFS.

Howlgalladan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in lagu beegsaday xubno ka tirsan Alshabaab oo isku uruursanayay deegaannada Dharkeen Urur iyo Orgiyow ee gobolka Jubbada Hoose.

Xubno la dilay waxaa ka mid ah Maxamuud Cali Xuseen oo dowladdu sheegtay in Alshabaab dhexdiisa looga yaqaanay “Qayliyow”, kaasi oo la tilmaamay in uu ahaa mas’uulka sahminta, xog-ururinta, iyo isku-dubbaridka meelaynta miinooyinka iyo sahannada xeryaha ee weerarrada mustaqbalka.

“Horjooge Maxamuud Cali Xuseen oo magaciisa afgarshada ee kooxda ugu yeeraan uu yahay (Qayliyoow) ayaa dhibaato fara badan ku hayay bulshada halkaas ku dhaqan. Qeyliyoow oo xubin muhiim u ahaa kooxda ayaa u qaabilsanaa arrimaha la xiriira sameynta waxyaabaha qarxa sida miinooyin iyo dhanka sahanka ah, kaas oo muddo fog kamid ahaa” ayaa lagu yiri warkan oo lagu daabacay wakaaladda afka dowladda ku hadasha.

Howlgalkan ayaa daba socday warbixin dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegayaya in in ka badan 95 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgallo kala duwan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe, Galgaduud, Waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed