Dowladda Shiinaha oo bayan adag ka soo saartay damaca Itoobiya ee biyaha Soomaaliya isla markaana taageero u muujisay Muqdisho

Dowladda Shiinaha ayaa taageero xooggan u muujisay xornimada,  madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, sida lagu shaaciyay barta X ee safaraada Shiinaha ee Soomaaliya, isla markaana ka horyimid damaca dalka Itoobiya ee biyaha Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Shiinuhu wuxuu waligiis taageersanaa Soomaaliya xornimada iyo wadajirka dhuleed. Mawqifka Shiinaha ee mabaadi’daas ayaa had iyo jeer ahaa mid cad. Midnimada iyo ixtiraamka madaxbanaanida qaranka ayaa lama huraan u ah hawlaha diblumaasiyadeed ee aynu wadaagno”.

Shiinaha ayaa kamid noqonaya dalalka iyo ururada caalamiga iyo kuwa gobolka ee taageeray qaddiyad dhuleed ee Soomaaliya, kaddib hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay wada galeen, kaasoo Adis Ababa ay ku dooneyso in hesho saldhig millateri iyo bad ka hesho Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Awdal ee degmada Lugahaye.

HBN EWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed