Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ugu deeqay lacag

Dowladda UK ayaa ku dhawaaqday lacag dhan 9 milyan oo dollar oo ay ugu deeqday barnaamijka Maalgelinta Khatarta Khatarta Masiibooyinka Afrika (ADRFi) oo ah hindise lagu maareeyo khatarta cimilada oo uu hormuud ka yahay bangiga horumarinta Afrika, waxaana fulinaysa hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya  ee SoDMA.

Ballanqaadkan waxa sameeyey Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) intii lagu guda jiray Shirweynihii 28-aad ee Xisbiyada (COP28) ee isbeddelka cimilada, oo lagu qabtay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Talaabadan iyo deeqdan lacageed ayaa wax badan ka tari doonta maaraynta adkeysiga bini’aadantinimo ee dalka shanta sano ee soo socota, taasoo saamaysay malaayiin qof oo sababay burbur baahsan iyo dhimashada xoolaha.

Barnaamijka ADRiFi waxa uu higsanayaa in uu kordhiyo adkeysiga iyo ka jawaab celinta wadamada Afrikaanka ah ee ku wajahan jahawareerka cimilada iyada oo la wanaajinayo qiimaynta, maalgelinta iyo caymiska khataraha musiibada cimilada.

Guddoomiyaha Ururka SoDMA Md. Maxamuud Macalin Cabdulle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyey FCDO, dowladda UK iyo shacabka Ingiriiska oo uu sheegay inay mar walba garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed