Faaf faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya diyaarad ku degtay deegaan ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada ururka Al shabaab, isla markaana ay la socdeen shaqaalo ajaanib ah.
Diyaarad ayaa ahed nooca qumaatiga u kaca oo uu leeyahay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa si qaldan uga degtay deegaan ay maamullan Al shabaab oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Xiindheere , isla markaana ka dushay magaalada Baladweyn, sida u sheegay wasiirka amniga Galmudug, Maxamed Gaboobe , oo intaa ku daray diyaaradda inay cilad ku timid ayna siday daawo.
Inta la xaqiijiyay 7 qof oo uu ku jiro hal ruux oo Soomaali ah iyo tirada kale oo ajanabi ah ayaa diyaaradda la socday, kuwaaso hadda la sheegay inay gacanta ugu jiraan Al shabaab.
Dhanka kale ururka Al shabaab illaa hadda majir wax war ah oo ka soo baxay oo ku aaddan diyaaradaan la sheegay in ay gacanta u gashay.
HBN NEWS DESK