Deni oo magaacabay Guddi aanan hishiis lagu aheyn xilli wili dood adag ay ka taagan tahay arrimaha doorashooyinka Puntland

Si loo sii ambaqaado wada xaajoodka iyo xalinta khilaafaadka doorashada Puntland ayaa madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu ku dhawaaqay in la dhisay guddiga wada xaajoodka doorashada Puntland. Guddigan ayaa loo xilsaaray inay wax ka qabtaan arrimaha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ee soo socda.

Madaxweyne Deni ayaa qiray muhiimadda ay leedahay in doorasho xalaal ah oo dimuquraadi ah ku dhacdo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la helo guddi gaar ah oo ka fiirsada caqabadaha doorashada. Go’aanka dhismaha guddigan ayaa lagu sheegay wadatashiyo lala sameeyay xubno muhiim ah sida madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha golaha wakiilada, wakiilo ka socday xisbiyada siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa muujiyay sida ay uga caga jiidayaan inay wada hadal la galaan madaxweyne Deni, iyagoo walaac ka muujiyay in madaxweynaha uu mar horeba mowqif adag ka muujiyay hannaanka doorashada. Deni ayaa horay u sheegay in uusan geli doonin wada-hadallo ay ku jiraan isbedello lagu samaynayo nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee Xukuumadiisa, taasoo keentay in mucaaradka ay gaashaanka u daruuraan in wadahadal la galaan Saciid Cabduulaahi Deni.

Guddiga wada xaajoodka doorashada Puntland oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Syed Juxa, ayaa ka kooban 7 xubnood oo uu Madaxweyne Deni si taxadar leh uga soo dhex xulay golihiisa Wasiirada. Guddiga ayaa ka kooban shaqsiyaad saameyn weyn ku leh hannaanka doorashada, iyagoo ka tarjumaya aragtiyo kala duwan.

Mucaaradka ayaa la filayaa inay jawaab ka bixiyaan dhismaha guddigan, maadaama uu hoggaamiye ka yahay wasiir Cabdi Faarax Siciid Juxa, oo aysan wax door ah ku laheyn dhankooda.

Guddigaan ayaa kala ah:

Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)
Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin)
Naceema Cabdiraxmaan (Xubin)
Cabdullaahi Maxamed Xasan (Xubin)
Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad (Xubin)
Xasan Yuusuf Majaabe (Xubin)
Xasan Caballa Xasan (Xubin)

Arrintaan ayaa ku soo beegmeyso Iyadoo ay sii kordhayaan cadaadiska dhinacyada kala duwan ay ku boorinayaan dhinacyada iska soo horjeeda inay wada hadlaan, beesha caalamka ayaa horay u soo jeedisay in miiska wadahadalka la lagu xalliyo tabashooyinka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed