Dagaallo culus oo ka socda Waqooyiga Suuriya

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya, ayaa sheegaya in dagaallo culus ay weli ka socda waqooyiga bari ee dalkaasi, kuwaasi oo u dhaxeeya xoogagga Dimuqraadiyadda Suuriya ee loo yaqaan SDF ee Mareykanku uu taageero iyo kooxaha taageersan Turkiga muddo toddobaadyo ah.

Wariyayaasha kus ugan aaggaasi ayaa soo sheegaya in iska horimaadyo goos-goos ah ay ka dhaceen saacadihii la soo dhaafay koonfurta iyo bariga miyiga magaalada Manbij.
Diyaaradaha dagaalka Turkiga oo taageeraya kooxaha taabacsan ayaa 8 duqeyn la beegsadeen hareeraha biyo-xireenka Tishreen iyo magaalada Deir Hafer. Waxaa intaa dheer in tirada dhimashada dagaallada socda muddo 23 maalmood ah ay gaartay 220, oo ay ku jiraan 62 ka tirsan xoogagga SDF ee Kurdiyiinta.

Tan iyo dhammaadkii bishii Nofeembar 2024, xoogaggani oo inta badan ka kooban Kurdiyiinta waxay wajahayeen weerarro ay wadeen kooxaha ay taageerto Ankara si ay ula wareegaan deegaanno ku yaalla waqooyi bari dalka, oo ay ku jiraan magaalada Tabqa, xarunta gobolka Raqqa ee waqooyiga Suuriya iyo waliba tuulooyinka Khafsa iyo Miska oo ku yaalla galbeedka webiga Furaat.
SDF waxay maamushaa dhammaan gobollada Hasakah iyo waqooyiga bari ee gobolka Deir Ezzor.

Dagaalladan maanta sida wayn u socda ayaa waxay imanayaan iyadoo ay dhaceen kulamo iyo wadatashiyo dhexmareen hoggaanka kooxaha SDF iyo maamulka cusub ee siyaasadda ee Dimishiq, oo uu hoggaaminayo Axmed al-Sharaa , waxaana qorshuhu uu ahaa la gaaro heshiisyo labada dhinac ah oo lagu xallinayo colaadda.
Al-Sharaa ayaa horay u xaqiijiyay in dhammaan kooxaha hubeysan ee Suuriya, oo ay ku jiraan SDF, ay hubkooda dhigaan oo ay qayb ka noqon doonaan Wasaaradda Difaaca.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed