Dagaal beeleed khasaare dhimasho iyo dhaawac ah sababay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaan ku dhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la sheegay in uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah. Sababta saxda ah ee iska horimaadka ayaan weli kala cadeyn, balse qabaa’ilada diraray ayaa horay waxaa uga dhexeyey dagaal kol laga heshiiyey.

“Jawiga waa mid kacsan, dadkuna waxay ka walaacsan yihiin in dagaal kale uu qarxo,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Inkastoo dowladda federaalka ay horay u waday dadaallo lagu xallinayo khilaaf beeleedyada soo noq noqday ee ka dhacay deegaannada maamulka Hirshabeelle ayaa haddana dhacdadii ugu dambeysay waxay muujineysaa sida ay u jilicsan tahay nabadda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Dowladda Federaalka ayaan wax war ah ka soo saarin iska horimaadyadaas, mana aysan soo bandhigin tallaabo deg deg ah oo xaaladda lagu qaboojinayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed