Ciidanka Xoogga oo sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyey xubno oo Alshabaab ah ka dib dagaal ka dhacay Gobolka Bakool

Ciidamada Xoogga, Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday Alshabab AY ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Moorigaabey ee Gobolka Bakool.

Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii sida la sheegay ciidanka ay heleen xog muujineysa in Alshabab isku urursanayeen tuulooyinka Mudule Shegeele, Ceel-Lahelay, iyo Bisigli, halkaasi oo ay ka soo abaabulayeen sida warka lo dhigay dhagaro lagu waxyeeleynayo shacabka iyo amniga guud.

Taliyaha Guutada 9-aad, Gaashaanle Dhexe Yoonis Aadan Xasan, oo hoggaaminayay howlgalka ayaa warbaahinta Ciidaamda u sheegay in ciidanku ay dhowr jiho ka weerareen Alshabaab, taasoo sababtay in kooxdu ay si aan kala har lahayn uga cararaan goobaha ay isku uruursanayeen.

Weli lama sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha soo kooxda Alshabaab ee dagaalka lagu qaaday.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed