Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan ATMISisla ma ayaa maanta oo Talaado ah isaga baxay saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne, isla markaana ay ku sugnaayeen in ka badan toban sano, waxaana loo igmaday ilaalinta ammaanka gobolka Hiiraan, gaar ahaan degmada Beledweyne.
Inkastoo hay’adaha ammaanka deegaanka ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada ATMIS ee Jabuuti, haddana wararka ayaa sheegaya in ka bixitaanka ciidamadan ay sabab u tahay inay joogaan magaalada ciidamo badan oo hubeysan oo la safan maamullada kasoo horjeeda ee Hirshabeelle iyo Hiiraan State oo aanan heysan aqoonsi. Maamullada ayaa ku muransanaa gacan ku haynta magaalada, muddooyinkii la soo dhaafay, sabab la xiriira dadka deggan Beledweyne oo diidan hannaanka wax qeybsiga maamulka Hirshabeelle.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire Souef Mohamed El-Amine iyo Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya & Ku Xigeenka Madaxa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii guul lagu dhammeyn lahaa wejiyada dhimista ciidamada ATMIS, qorshayaasha wejiga 3-aad ee soo socda, qabanqaabada amniga ATMIS-ka kadib, iyo la-shaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Tan iyo sannadkii 2011-kii, Jabuuti waxay noqotay waddankii saddexaad ee ciidamadeeda ku biiriyay AMISOM. Saraakiisha Jabuuti ayaa ugu horeyn la geeyay magaalada Beledweyne, waxaana ay tababaro u sameeyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyagoo sidoo kale kormeero ku sameeyay magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda.
HBN NEWS DESK