Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad oo gacan ka helaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bakool.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada dowladdu iyo kuwa Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanada War-wiin,War-dhato,Ceelahaley,Moorigaabey oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Bakool.
Ciidamada huwanta ayaa u suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta guud ahaan deegaanada Al-Shabaab, kadib markii ay ka awood roonaadeen dagaaladii geystay qasaaraha labada dhinac.
Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan oo hoggaaminayay ciidamadan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgallada noocaan ah ay yihiin kuwo lagu doonayo in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannada kale ee gobolka Bakool.
Howlgalka ka dhacay deegaanada Bakool ayaa ku soo aadaya xilli la diyaarinayo wajigii labaad ee howlgallada ka socda deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya bilaha soo socda.
Dowladda ayaa loogu baaqay in ay wax ka barato howlgalladeedii hore, isla markaana ay kordhiso tayada iyo doorka ay ciidamadeeda amniga ku leeyihiin ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.
HBN NEWS DESK