Ciidamada dowladda oo howgallo culus ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka ayaa laga sameeyay dhulka miyiga ah ee ku yaalla inta u dhaxeysa Shabeellooyinka iyo Caad ee Koonfurta gobolka Mudug, oo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen dagaallo khasaare geystay.

Taliye ku xigeenka guutada 18-aad ee ciidamada Gorgor G/sare Suulnuuge oo howlgalkaasi hogaaminayay ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada ay gudaha u galeen saldhigyada Al-Shabaab.

“Kooxaha hubeysan waxay isaga carareen saldhigyadii ay ku lahaayeen dhulka miyiga ah ee Caad iyo Shabeellooyinka, kadib markii ciidamada ay sameeyeen howlgallo culus,” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaasi ku daray in weli ciidamadu ay wadaan howlgalka, ay sii socon doonaan inta laga ciribtirayo Al-Shabaabka ku sugan deegaanada Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed