Faahfaahin ka soo baxaya howgal lagu dilay ku dhawaad 10 Alshabaab horjooge sare ku jiro Shabeellaha Dhexe

Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadeedu ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay ku dhawaad 10 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab, oo uu ku jiro horjooge sare.

War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goob ay Alshabaab ku shiraysay oo ku taalla hareeraha jiinka webiga ee duleedka deegaanka Basra, waxaana halkaasi lagu dilay sida la xaqiijiyey 8 xubnood.

Sida ay sheegtay hay’addu, dadka lagu dilay howlgalka waxaa ka mid ahaa horjoogihii kooxda u qaabilsanaa weerarrada hoobiyeyaasha nooca 107mm, Axmed Eybka Caalim (Daqare), iyo xubno kale oo ka tirsanaa qaybaha miinooyinka iyo fulinta weerarrada.

NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu jab weyn ku noqday shabakaddii Alshabaab u qaabilsanayd qorsheynta iyo fulinta weerarrada hoobiyeyaasha, iyadoo intaas ku dartay in xogta sirdoon ay muujinayso in kooxda ay meydadka horjoogeyaashii lagu dilay ka qaadday goobta, isla markaana si qarsoodi ah ugu aastay deegaan kale.

Hay’addu waxay xustay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo burburinta shabakadaha qorsheeya weerarrada.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay kordhisay howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo Al-Shabaab. Sida ay dowladda sheegtay, howlgallo laga fuliyay gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa toddobaadkan iyo dhammaadka toddobaadkii hore dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ku dhawaad 100 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed