Ciidamada dowladda oo Al shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah kad dib howlgallo culus oo fuliyeen

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 260-aad oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dib ula wareegay deegaanka Eel-boon oo qiyaastii 40-KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Taliyaha ururka 260-aad ee ururka 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Onkod Macalin Aadan ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ciidamada ay ka sameeyeen magaalada lagu xoreeyay.

Taliye Onkod waxa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Milatariga ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal balse ma uusan faah faahin khasaaraha soo kala gaaray labada dhinac.

Howlgalka ciidamada ayaa kusoo aadaya xilli maalmo un ka dib safar uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Booqashada ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wadahadli lahaa in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii wax looga qaban lahaa muranka doorashada ee ka taagan dowlad goboleedka oo ay ku lug leeyihiin kooxaha maamulka iyo mucaaradka.

HBN NEWS DESKSONN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed