Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed oo fashiliyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku wajahnaa Baydhabo

Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen agagaarka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kadib markii ay xog ka heleen dadka deegaanka.

Ciidamada Darawiishta oo indha indheynayay ayaa waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, xilli uu ku sii jeeday magaalada Baydhabo, si uu weeraro ismiidaamin ah uga fuliyo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Hay’adda Nabad Suggida Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in howlgalka uu yimid, kadib markii ay heleen xog ku saabsan weerar Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada.

Maamulka ayaa xoojiyey amaanka magaalada Baydhabo kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen magaalada oo go’doomin ay sameeyeen goobihii ganacsiga iyo sicir bararka oo  isku shareeray.

Tan iyo sanadkii hore ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa bulshada deegaanka ayaa Al-Shabaab ka saaray deegaano iyo degmooyin ka tirsan dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed