Dowladda Soomaaliya oo markii labaad 24 saac gudahood hawada ka celisay diyaarad ku sii jeeday Somaliland

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta oo khamiis ah ay dib u celiyeen  diyaarad nuyuca xamuulka qaaado oo soo gashay hawada Soomaaliya, taasoo ka diiwan gashan waddanka Thailand, waxana lagu qasbay in ay dib u laabato.

Diyaaradaan ka su sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxana ka timid Sharjah.

Qoraal ka soo baxay hey’adda duulsita hawada ee Soomaaliya ayaa lagu yiri” Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo maanta oo Khamiis ah 18/01/2024 waxay dib uga celisay hawada Soomaaliya diyaarad nooca xamuulka qaada (cargo) oo ka diiwaangashan waddanka Thailand (registration P4-JAG), taasoo isku dayeysay inay u kala duusho Sharjah iyo Hargaysa”.

Diyaaradda ayaa ku guul-darraysatay inay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo (cargo), waxayna qaadatay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed go’aanka sharciga ah oo dhigaya inaysan hawada Soomaaliya soo geli karin diyaarad aan la hayn maclumaadka ujeedka safarka iyo waxa ay sido , waxaana dib looga celiyay diyaaradaan inay soo gasho hawada Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii diyaarad laga leeyahay Itoobiya oo wadday saraakiil sar sare dib looga hawada Soomaaliya, taasoo ku soo jeeday magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxana ka dashay hadal heyn badan oo ku aaddan masuuliyiinta laga celiyay Somaliland ee la socday diyaarada.

Arrintaan ayaa daba socoto khilaafkii iyo xiisadii ka dhalatay hishiiskii horraantii bishaan ay wada saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi,  oo Itoobiya u ogolanaya in laga kireeyo 20 km oo ah biyaha Badda Cas, tallaabadaas oo ay diiday dowladda Soomaaliya, kuna tilmaamtay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed