Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn Soomaaliya ay diiday baaritaan lagu sameeyay shaqaalaheeda oo lala xiriiriyay falal argagixiso, sida ay hay’addu ku sheegtay bayaan ay soo saartay maanta.
Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in Shirkadda Hormuud ay dalbatay in la caawiyo 26-kii December, 2023, kaddib weerar argagixiso oo lagu qaaday shaqaalaheeda iyo hantideeda.
Si kastaba ha ahaatee, NISA ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in baaritaankeeda kadib ay ogaatay arrin ay ku sheegtay mid la yaab leh, in qorshahan ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud, iyaga oo kaashanaya kooxihii weerarka soo qaaday. Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka codsatay Shirkadda xog la xiriirto in baariraanno lagu sameeyo dhaqdhaqaaga Bankiga Akoonnada iyo Adeegyada kale lacaga la iskugu diro, qaar kamid ah shaqaalaheeda oo lagu tuhmayo inay wada shaqayn iyo xiriir la leeyihiin Alshabaab, balse Hormuud ay diiday inay shaaciso xogtaasi.
Hormuud ayaa dhankeeda ku andacooneysa in NISA ay howlgalo ka fuliyeen labo ka mid ah laamaha ay ku leedahay Muqdisho, “ay ku burburiyeen adeegyadii ay ku shaqeyn jireen, sidoo kalena ay xabsiga dhigeen xubno ka tirsan shaqaalaeeda”.
Tallaabadan adag ayaa la sheegay inay ka dambeysay kadib markii NISA ay codsatay xogta maaliyadeed ee macaamiisha qaar, taasoo Hormoud ay ku gacan seyrtay, iyadoo ku sababeysay xadgudubyo dhanka sharciga ah oo la xiriira sirta macluumaadka macaamiisha.
Shirkadda Isgaarsiinta ayaa sheegtay in labo ka mid ah shaqaalaheeda si sharci darro ah lagu xiray kadib markii ciidamada Nabadsugida ay weerareen xarunta Tre Piano ee magaalada Muqdisho.NISA oo ka jawaabtay ayaa sheegtay in xarigaasi uu salka ku hayo is hortaag lagu sameeyay howlwadeenada Hormuud oo lagu tuhmayo inay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.
NISA ayaa sheegtay in Hormuud ay ka hortagtay baaritaanka shaqaalaha la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin wax ay ku sheegtay Argagixiso , waxayna sheegay inay u fududeysay baxsashadooda eedeeysanayaasha lagu tuhmay la shaqeynta Al shabaab.
HBN NEWS DESK