Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu la’yahay xeebaha Soomaaliya

Labo badmaax oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa la sheegay in la la’yahay xilli ay howlgalo ka sameynayeen xeebaha Soomaaliya maalintii Khamiista, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka.

Howlgallada baadigoobka iyo samata bixinta ayaa socda si loo helo badmaaxiinta, Taliska Dhexe ayaa war uu soo saaray ayuu ku sheegay.

Qoraalka kooban laguma sheegin xog dheeraad ah oo ku saabsan waxa ay samaynayeen badmaaxiinta markii la waayay, marka laga reebo in la sheegay in “horey loo daabulay” aagga 5-aad ee ciidamada badda Mareykanka oo ay “taageerayeen howlgalo kala duwan”.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxaa ka jooga ciidamo tiro yar kuwaas oo diirada saaraya khatarta Al-Shabaab ooo weeraro ku qaada dowladda Soomaaliya,  Mareykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday urur argagixiso.

Marka laga soo tago tababarida ciidamada milateriga Soomaaliya, waxaa sidoo kale dowladda Mareykanka kala shaqeysay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed