Maxay ka dhigan tahay dib u doorashada madaxweyne Saciid Cabduulaahi Deni

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guulesytay madaxweynaha maamulka Puntland, kaasoo hoggaamin doono shanta sano ee soo aaddan.

Xubnaha baarlamaanka  maamul goboleedka Puntland ayaa mar kale Siciid Cabdullaahi Deni u doortay madaxweynaha maaamulkaas kadib doorasho maanta ka dhacday magaalada Garoowe.

Doorashadan ayaa waxaa soo xaadiray 66-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulkaas,doorashadan dhacday ayaa aheyd mid si weyn loo sugayay, kaddib xiisado siyaasadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa Puntland.

Wareegii 3-aad ee Doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa ku guuleystay Siciid C/llaahi Deni oo helay 45 cod, halka Musharax Guuleed Saalax Barre uu helay 21 cod.

Deni ayaa la kulmay siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan kasoo qabtay heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaana ka mid ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Axmed Cawad iyo Abshir Jaamac Haruuse iyo guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u hambalyeysay Siciid Deni oo mar kale dib loo doortay. iyo sidoo kale qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, oo ay ku jiraan Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dooraashadaan ayaa ka dhiggan in uu soo dhammaaday khilaafkii siyaasadeed ee muddooyinkaan ka taagnaa Puntland, sidoo kale waxaa la eegayaa sida ay isku wajihi doonaan dowladda dhexe iyo Puntland oo khilaaf xooggan uu ka dhex taagnaa taniyo sannadkii hore, taasoo keentay in madaxweyne Deni uu diiday ka qeyb-galka shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Dhanka kale Puntland ayaa diiday wax ka beddelka dastuurka KMG oo ay dowladda Xasan Sheekh dooneyso in is beddelka lagu sameyo hannnaanka siyaasadeed ee Soomaaliya, soo laabashada Saciid Deni ayaa caqabad ku noqon karto aragtid wax ka beddelka dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh sida ay qabaan falanqeynyaasha, waxana la sugaya hannaanka siyaasadeed ee ka dhex taagan dhinacayada si xal looga gaari lahaay, si loo meel mariyo qorshaha dowladda Soomaaliya.

Sii jiritanka khilaafka Puntland iyo Villa Soomaaliya ayaa caqabad ku noqon karto hormarka siyaasaadda Soomaaliya, isla markaana dib u dhac ku keeni karta yoolalka madaxweyne Xasan Sheekh haddii aysan xal waara laga gaarin khilaafka dheeraaday

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed