Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku tilmaamay hoos u dhaca Al-Shabaab iyo xoojinta ciidamada nabad sugidda Soomaaliya (SSF) inay tahay mudnaanta koowaad ee sanadka cusub ee 2024-ka.
“Howlaha ugu horeeya ee aan qaban doono sanadka soo socda waa in la dhimo Al Shabaab, waa in laga adkaadaa Al Shabaab si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo wada noolaansho” ayuu yiri Taliyaha ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding. fariimaha sanadka.
Shir heer sare ah oo la filayo in ay isugu yimaadaan dhammaan taliyayaasha ATMIS-ka ayaa lagu qaban doonaa Muqdisho si loo turxaan bixiyo fikradda hadda jirta ee howlgalka (CONOPS) si si hufan looga hortago Al Shabaab.
Taliyaha booliska ATMIS Hillary Sao Kanu ayaa iftiimiyay in waaxda booliisku ay xooga saari doonaan sidii ay u bari lahaayeen xirfado ku takhasusay SPF iyo horumarinta hawlaha bulshada ku salaysan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa daboolka ka qaaday in ATMIS ay xoojin doonto barnaamijkeeda la talinta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay si joogta ah dowladda ugala talinayaan horumarinta tayada ciidanka.
HBN NEWS DESK