Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inay ka gaabsan doonaan soo xulista 17-ka xubnood ee u matali doona baarlamaanka Puntland. Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Karaash ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay in 49 xildhibaan lagu soo daro doorashada madaxtinimada Puntland, isla markaana ka dhawaajiyay inuu diiday in 17-ka xildhibaan ee matalayay SSC-Khaatumo, asyan qeyb ka noqon doonin doorashada Puntland.
Karaash wuxuu ka digay falalka sii kordhin kara xiisadda gobolka. Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ay ku dhawaaqi doonaan liiska xubnaha baarlamaanka Puntland.
Wararku waxa ay sheegayaan in liiska laga yaabo in ay ku jiraan 17-xildhibaan oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, taasi oo buuq badan dhalisay, maadaama la sheegay in Madaxweyne Deni uu gacanta ku dhigay. Khilaafyada ka dhex jira guddiga ee ku saabsan ka mid noqoshada ama ka saarista xubnaha SSC-Khaatumo ayaa sii kordhinaya xaaladda soo ifbaxday.
HBN NEWS DESK