Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo si rasmi ah ugu kulmay dalka Jabuuti macluumaad ku saabsan ujeedad shirkaas

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somalilnad ayaa ku kulmay dalka Jabuuti kaddib safaro ay kaga ambo baxeen magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho kuwaas oo si ka fool ka fool ah iskugu arkay magaalada Jabuuti, waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Ismaaciil Cumar Geelle.

Somaliland ayaa faah faahin rasmi ah ka bixisay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan wafdi heer sare oo u dhoofay dalka Jabuuti si uu wadahadalo xasaasi ah ula yeesho Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeedada socdaalka weftigan, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, inuu la xiriiro  sidii loo sii wadi lahaa wada-hadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya, oo hadda gaaray heer Madaxweyne.

Dhanka kale wafdiga ka socday dowladda Soomaaliya  ayaa waxaa hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga, Jibriil C/rashiid iyo Ergayga gaarka ah ee wada-hadallada, C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ku weheliya wefti ay ka mid yihiin  Sacad Cali Shire Wasiirka maaliyadda  Axmed Maxamed Diiriye wasiirka Qorshaynta,  Maxamed Kaahin Axmed wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Aadan Buxane wasiirka waxbarashada. Sidoo kale, Ergayga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa hore u joogtay dalka Jabuuti oo ay kaga horrayso weftiga Madaxweynaha.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si isdaba joog ah u socday tobankii sannadood ee u dambeeyay, waxaana ka dhashay caqabado iyo natiijooyin la taaban karo. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa horay u fududeeyay kulammada labada dhinac, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay gobolka uga go’an tahay in la helo xal diblomaasiyadeed.

Beesha Caalamka ayaa si dhow isha ugu haysa dadaalkan diblumaasiyadeed, iyagoo rajeynaya in kulanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u gogol xaaro wada hadal wax ku ool ah iyo horumar la taaban karo oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed