Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano u dhaxeeya degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool. Taliyaha qeybta 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu dilay taliyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Bakool.
Sidoo kale Yoonis ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda Federaalka ay burburiyeen fariisimo ay ka soo abaabuli jireen weerarada lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya Garasweyne iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.
Howlgalladan la xoojiyay ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda inta badan gobollada dalka, kuwaasi oo la doonayo in kooxdaasi looga sifeeyo guud ahaan dalka.
HBN NEWS DESK