Madaxweyne ku xigeen Puntland oo ka gaashaanka u daruuray wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Deni

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka horyimid go’aankii madaxweyne uu ku magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafka baarlamaanka, isla markaana uu sheegay in wax wadatashi ah aanan lagala yeelan.

Qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri: ” Madaxweyne  ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash wuxuu bulshada reer Puntland iyo daneeyayaasha kaleba u cadaynayaa inuusan wax talo ah ku lahayn aysana khusayn Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xubnaha Golaha Wakiilada ee uu magacaaabay Madaxweyne Siciid Deni.

Sidoo kale Karaash ayaa sheegay  in guddigaan oo baalmarsan yahay habraacyadii soo jireenka ahaa ee lagu soo maamuli jiray  doorashooyinka Puntalnd ee hore, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Karaash ayaa hooosta ka xariiqay  in xubnaha la magaacay ay ku jiraan tuhun xooggan oo ku saabsan in ay u adeegayaan danaha Saciid Deni, isla markaana aysan noqon karin dhexdhexaad

Ugu dambeyn  Karaash ayaa yiri “waxaa mar walba ka go’an inay qabsoonto doorasho hufan ah oo ku qabsoonta wakhtigeeda”.

Dhanka kale mucaaradka  ayaa iyaguna horay u qaadacay, guddiga uu magacaabay madaxweyne Deni.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed