Kooxo hubeysan oo magaalada Boosaaso ku dilay ganacsade caan ka ahay magaaladaas

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa magaalada Boosaaso ku dilay Ibraahim Cabdiraxmaan Cabdi oo ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed. Weerarkan ayaa dhacay subaxnimadii hore saaka kadib markii sida la sheegay Marxuumka uu ka soo baxay Salaada Subax, kaa soo ka yimid masaajidka.

Ibraahim oo ahaa madaxa bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee gobolka Bari ayaa la beegsaday isla markii uu ka soo baxay masjidka. Ilaa hadda lama garanayo sababta iyo cidda ka dambaysay dilka marxuumka. Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday.

Dhacdadan ayaa daba socota dilkii dhawaan loo geystay Khadar Cabdi Cali oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda dhulka Soomaali Galbeed, kaas oo si ba’an loogu toogtay gurigiisa, iyadoo dhaawac uu soo gaaray wiil uu dhalay.

Laamaha ammaanka Puntland ayaan weli ka warbixin faahfaahsan ka soo saarin dhacdooyinkii u dambeeyay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay shacabka kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in amniga guud ee Puntland uu yahay mid la isku haleyn karo. Si kastaba ha ahaatee, si gaar ah ugama hadlin mowjadaha amni darro ee maalmahan ka dhacayay magaalada Boosaaso.

Iyadoo ay bulshadu ka murugootay geerida Ibraahim C/raxmaan Cabdi, ayaa waxaa la is weydiinayaa rabshadaha sii kordhaya iyo sida loogu baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto caqabadaha amni ee soo wajahay shacabka iyo ganacsatada Boosaaso.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed