Dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo kala saxiixday hishiis muhiim ah

Dhanka dib u dhiska iyo horumarinta ee Soomaaliya marka la eego,  dalka Imaaraatka Carabta oo hormuud ka ah mashaariicda ay ka fulinayaan deegaanada ay horay u maamuli jireen Al-Shabaab, iyadoo diiradda lagu saarayo dhismaha ceelasha biyaha iyo hormarin dhanka adeegga bulshada ah.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Al-Rumayti, ayaa dhawaan saxiixay heshiis lagu xaqiijinayo in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’an tahay inay taageerto qorshayaal kala duwan oo laga fulinayo gobollo ay horay u joogeen Al shabaab.

Danjire Axmed Al-Rumaythi oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa daah furay qorshahan.

Heshiiska la kala saxiixday ayaa ah mid lagu fududeynayo in la gaarsiiyo goboladaas mashaariic kala duwan, si ay uga qeyb qaataan soo kabashadooda iyo horumarkooda.

Waxqabadyada ugu muhiimsan ee Imaaraadku ka hirgeliyay deegaanadaas waxaa ka mid ah qodista ceelasha biyaha, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo helitaanka biyo nadiif ah oo dadka deegaanka ah. Dadaalkani wuxuu la jaan qaadayaa yoolalka ballaaran ee hagaajinta xaaladaha nololeed iyo horumarinta waaritaanka gobollada ay la kulmeen caqabado ka dhashay dagaalladii hore.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed