Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu riday xukuno kala duwan

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay askari hore oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo askari kale oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya oo lagu eedeeyay in uu dil u geystay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Maxkamadda ayaa C/llaahi Cabdi Mustaf oo lagu helay danbi ah in uu dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu magacaabi jirtay C/kariin Ibraahim Cali Awdaango. Askari ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Daahir Cabdi Mustaf ayaa gacanta lagu dhigay isagoo gacan ku siiyay gacan ku dhiiglaha, isagoo u dhiibay qorigiisa si uu dilka u geysto.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa 22-February-2023-ka dhageysatay dacwadda, waxaana dib loo furay 1-dii November 2023, Cabdullaahi Cabdi Mustaf ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay 5 sano oo xarig ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed