Mareykanka oo dib u soo celiyay taageeradii dhaqaale ee hawlgallada amni ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ogolaatay inay muddo sanad ah dib u cusbooneysiiso taageerada dhaqaale ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaddib markii ay horay u joojisay maalgelinta, taas oo halis gelisay sii socoshada howlgalka la dagaallanka Al-Shabaab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in taageeradan ay muhiim u tahay xakameynta khataraha amni ee Soomaaliya iyo ka hortagga in qalalaase amni uu ku faafo gobolka.

Mareykanka ayaa markii hore sabab uga dhigay joojinta maalgelinta horumar la’aanta dagaalka Al-Shabaab, khilaafaadka siyaasadeed iyo fashilka dowladda Soomaaliya ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.

Go’aankan ayaa yimid xilli Soomaaliya ay wajaheyso khilaaf siyaasadeed oo xooggan, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu dhaliilayo wax ka beddelka dastuurka iyo muddo kordhinta xilkiisa.

Dhanka kale, Uganda oo ah dalka ciidanka ugu badan ku biiriya AUSSOM ayaa ku dhawaaqday inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya dhammaadka 2027.

Mareykanka ayaa tan iyo 2007-dii Soomaaliya ku taageeray ku dhowaad 2 bilyan oo doollar oo la xiriira howlgalada Qaramada Midoobay, iyo in ka badan 1.6 bilyan oo doollar oo lagu taageeray ciidamada Midowga Afrika. Si kastaba, Washington waxay sheegtay in taageeradeedu aysan noqon doonin mid aan xad lahayn, iyadoo ku baaqday in Soomaaliya iyo Midowga Afrika ay diyaariyaan hannaan amni oo waara.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed