Digniin cusub oo laga soo saaray roobab laga filayo saacadaha soo socda inay ka da’aan Soomaaliya

Xilli ay sii kordhayaan digniinaha laga bixinayo roobabka Deyrta ee ka da’aya gobollo badan oo Soomaaliya ah, ayaa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya waxay xog cusub ka soo saartay roobab la filayo inay da’aan 24-ka saac ee soo socda, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara qaybo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta dalka.

Hay’addu waxay sheegtay in roobab xooggan oo cabbirkoodu u dhexeeyo 20 ilaa 100 milimitir laga filayo qaybo ka mid ah gobollada Hiiraan, Bakool, Bay iyo Gedo.

Digniinta ayaa lagu sheegay in roobabka xooggan ay la socon karaan dabaylo xooggan iyo hillaac, kuwaas oo sababi kara fatahaado ka dhaca togagga, dhulka hooseeya iyo hareeraha webiyada. Xaaladahaasi ayaa saameyn ku yeelan kara isu-socodka gaadiidka iyo hawlgallada duulimaadyada.

Sidoo kale, roobab dhexdhexaad ah oo u dhexeeya 5 ilaa 20 milimitir ayaa la saadaaliyay inay ka da’aan qaybo ka mid ah gobollada Awdal, Waqooyi Galbeed (Somaliland), Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa shirkadaha diyaaradaha kula talisay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana la socdaan xaaladaha cimilada iyo kuwa garoomada diyaaradaha.

Bulshada ku nool deegaannada ay roobabku saameyn karaan ayaa loogu baaqay inay taxaddar muujiyaan, kana digtoonaadaan khataraha fatahaadaha iyo dabaylaha xooggan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed