Sidii aad kula socoteen tabinadeenii ugu dambeeyay, waxaa socda dhaq-dhaqaaqyo diblumaasiyadeed oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka hareeyay arrimaha doorashooyinka dalka.
Maanta madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro.
Inkastoo Villa Soomaaliya ay sheegtay in kulanka uu diiradda saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, dib u dhiska dowladnimada iyo taageerada horumarinta Soomaaliya, haddana ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in wada-hadallada ay sidoo kale la xiriireen shirarkii fashilmay ee dowladda iyo mucaaradka iyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo ismariwaaga siyaasadeed.
Kulankan ayaa imanaya maalin kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, iyadoo ay socdaan la-tashiyo siyaasadeed.
HBN ONLINE TV

