Naxaa laga og yahay safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Uganda?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray dalka Uganda, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyey dhigiisa Uganda Yoweri Museveni oo lagu wado in lagu caleema saaro.

Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Uganda si diirran u soo dhoweeyey booqashada magaalada Entebbe ayaa sheegay in maalinta berri ah uu ka qeyb gali doono Caleema-saarkiisa oo ay ka qeyb galayaan madax kala duwan oo ka socota Caalamka.

Kulan si kooban ay u yeeshay labada Madaxweynaha ayey kaga wada-hadleen xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga Muqdisho iyo Kampala.

Uganda ayaa ah dalka 1-aad ee ugu ciidamada badan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyaga oo ka howlaha gobollada Shabeellaha hoose iyo Banaadir.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed