Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa beenisay warar sheegaya in wada-hadal ay dowladda Mareykanka dhexdhexaadinayso uu 13-ka bishaan May ku dhexmari doono iyaga iyo Mucaaradka magaalada Muqdisho, gaar ahaan xerada Xalane.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda DFS, Cali Cumar “Balcad”, ayaa sheegay in aysan jirin wax kulan ah oo lagu qabanayo safaaradda Mareykanka, isla markaana aysan safaaraddu diyaar u ahayn inay si toos ah u farageliso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay waraaqo u direen dowladda Mareykanka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyagoo codsanaya in cadaadis la saaro dowladda Soomaaliya.
“Kama warhaayo in kulan lagu qabayo safaaradda Maraykanka, mana filaayo in safaaradda Maraykanka qudheedu diyaar u tahay in arimaha Soomaaliya heer nuucaas ah soo faragaliso, dabcan talo waa ku leeyihiin oo Mucaaradkaa agtaagan oo warqad u qoraya oo dhahaya ina soo faragaliya, waraaqo badanaa haynaa oo ay u qoreen oo ay leeyihiin na soo faragaliya.” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.
Cali Balcad ayaa sheegay in mucaarad qaarkood ay waraaqo u direen Bangiga Adduunka, iyagoo dalbanaya sida uu hadalka u dhigay in la hakiyo taageerada Soomaaliya la siiyo, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah.
“Waxaa aad nasiib darro u ah in Mucaaradka qaarkood ay waraaqo u qoreen qolooyinka Bangiga adduunka oo ay leeyihiin Soomaaliya yaan la taageerin. Nimanka Mucaaradka qarkood waxaa moodaa in mucaaradnimada ay ka gudbeen oo ay u gudbeen qaab waali ah in wax ku raadiyaan,” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa ku eedeeyey qaar kamid ah mucaaradka in ay u dhaqmayaan sidii hoggaamiye kooxeedyadii hore ee dalka, isaga oo leh “Waxay kaga duwan yihiin malaha dagaal oogayaashii dalka joogi jiray ee dhibka badnaa,” .
Dhanka siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaan weli ka hadlin jiritaanka wax wada-hadal ah oo u qorsheysan iyaga iyo hoggaanka DFS, si xal looga gaaro arrimaha siyaasadeed ee dalka, inkasta oo lagu eedeeyey inay fashiliyeen shir la qorsheeyey inuu 10-kii bishaan May 2026 ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya oo ay la yeelan lahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dowladda Federaalka aya ku adkeysaneysa in wada-hadallada madaxda Soomaalida ay ka dhacaan goob aanay saameyn ku lahayn dhinacyo kale ama faragelin shisheeye.
HBN ONLINE TV

