Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa si adag uga hor yimid muddo kordhintii ay Golaha Guurtida Somaliland u sameeyeen doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, isagoo ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland.
War-saxaafadeed uu maanta warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayuu ku sheegay in muddo kordhintaasi aysan waafaqsaneyn sida uu hadalka u dhigay shuruucda Somaliland, isla markaana ay dhaawaceyso nidaamka doorashooyinka xisbiya badan ee deegaanadooda.
Guddoomiye Kaahin ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, inuu si cad u muujiyo mowqifkiisa ku aaddan muddo kordhinta loo sameeyey golayaasha wakiillada iyo deegaanka.
“Muddo-kordhintani waxay meel kaga dhacaysaa hannaankeenii dimuqraadiydda. Madaxweynaha waxa laga sugayaa inuu caddeeyo mowqifkiisa arrintan” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Kaahin.
Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inuu aqbali karo muddo kordhin aan ka badneyn 10 bilood, balse wuxuu ka digay in muddo kasta oo intaas dhaafsan ay horseedi karto xiisado iyo dhibaatooyin siyaasadeed oo hor leh.
Maalinimadii shalay ayay Golaha Guurtida Somaliland ku dhawaaqeen muddo kordhin dhan 2 sano iyo 3 bilood ah oo gaareysa illaa sanadka 2028 in loo sameeyey golaasha Wakiiladda iyo deegaanka, xili ay xukuumaddu ku guuldaraysatay qabashada doorashooyinka waqtigii loo asteeyay.
HBN ONLINE TV

