Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa digniin culus ka soo saaray muddo kordhin ka badan 10 bilood oo lagu sameeyo doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Somaliland, arrintaas oo haatan hor taalla Golaha Guurtida. Xisbiga ayaa sheegay in tallaabo kasta oo ka baxsan muddadaas ay keeni karto sida uu ku dooday dhibaato siyaasadeed.
War saxaafadeed ka soo baxay Kulmiye oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha xisbiga, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa lagu caddeeyay in muddo kordhin aan waafaqsanayn talada Komishanka Doorashooyinka ay horseedi karto muran siyaasadeed oo hor leh iyo xiisad ka dhalata gudaha Somaliland. Xisbiga ayaa muujiyay walaac ku aaddan saameynta ay arrintani ku yeelan karto xasilloonida siyaasadeed.
Kulmiye ayaa ku adkeystay in muhiim ay tahay in la ixtiraamo talada farsamo ee Komishanka Doorashooyinka, maadaama ay yihiin hay’adda u xilsaaran diyaarinta iyo qabashada doorashooyinka. Waxay xuseen in ka leexashada taladaas ay dhaawici karto kalsoonida nidaamka dimuqraadiyadeed.
Sidoo kale, xisbiga ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aan kasta oo aan si taxaddar leh loo qaadan uu abuuri karo xaalad aan loo baahnayn oo siyaasadeed, taas oo saamayn karta geeddi-socodka doorashooyinka iyo wadajirka bulshada Somaliland.
Ugu dambayn, Xisbiga Kulmiye ayaa ugu baaqay Golaha Guurtida Somaliland inay si qoto dheer uga fiirsadaan muddo kordhinta, iyagoo xusuusiyay masuuliyadda culus ee ka saaran ilaalinta xasilloonida iyo nidaamka dowladeed ee dalka.
HBN ONLINE TV

