Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ah bixiyey sababta ka dambeysay liis ay ku jiraan sawirrada iyo dalalka ay ka soo jeedaan in ka badan 50 dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Daacish, kuwaas oo lagu qabtay buuraha Calmis-kaad. Raggan ayaa ka yimid ku dhawaad toban dal, oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya, Tansaaniya, Masar, Morocco, Yemen, Suuriya, Sacuudiga iyo Turkiga – Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dhammaantood ay mabda’ ahaan isku mid yihiin xubnahaan.
Wasiirka Caydiid ayaa sheegay in liiska loo soo bandhigay saddex ujeedo oo kala ah in bulshada Puntland iyo Soomaaliyeed ogaato guulihii dagaalka laga gaaray iyo cidii la qabtay, in dalalkii ay raggan ka yimaadeen ogaadaan in muwaadiniintooda dhibaato geysteen, iyo in caalamka uu fahmo isbeddelka amni ee ka jira Geeska Afrika. Wuxuu intaa raaciyey in kuwa hadda la soo bandhigay u badan yihiin kuwa la qabtay iyagoo dagaallamaya, balse kuwo isa soo dhiibayna ku jiraan.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in habka loo maamuli doono dambiilayaasha uu ku xirnaan doono kaalinta iyo doorka ay ku lahaayeen Daacish: “Waxaa laga yeelayaa waxa dambiilayaasha laga yeeli jiray, caalamku argagixisada siyaabo kala duwan ayey ula dhaqmayeen iyagoo loo eegayo awooddiisa, keebaa askari kaliya ahaa, keebaa ahaa qof la soo khalday oo ka shallaayaya, keebaa mabaadii’ ahaan u aaminsanaa oo madax ahaa oo maamulayey, siyaabaha ay ku dagaallameeyeen ayaa loola dhaqmi doonaa”ayuu yiri wasiir Caydiid.
Caydiid ayaa sheegay inay jiraan xiriirro lala sameeyey dalalka raggani ka soo jeedaan, kuwaas oo ay qaarkood la sameeyeen Puntland, qaarkoodna ay dalalkoodu ogaayeen. Sidoo kale, waxaa jira ajaaniib kale oo gacanta ay ku hayaan oo aan weli la soo bandhigin oo ku jira xabsiyada Puntland, sida uu xogta ku sheegay wasiir Maxamuud.
HBN ONLINE TV

